Malinta macalinka Soomaaliyeed

Malinta Macalinka waa maalin sharaf iyo xushmad gaar ah loo muujiyo macallimiinta, kuwaas oo ah laf-dhabarta horumarka bulsho kasta. Macallinku waa iftiinka aqoonta, hagaha anshaxa, iyo dhisaha jiilka berri. Iyaga oo dulqaad, dadaal, iyo masuuliyad sare leh ku gudbiya cilmiga, macallimiintu waxay kobciyaan maskaxda ardayda, waxayna ku barbaariyaan qiimaha akhlaaqda, ixtiraamka, iyo waddaniyadda. Maalintan waxaa lagu xusuustaa kaalinta weyn ee macallimiintu ku leeyihiin horumarinta diinta, dhaqanka, iyo cilmiga casriga ah.

Sida Royal Muslim Academy aaminsan tahay, sharafta macallinku waa mid ku salaysan diinta Islaamka, oo uu Nebigeenna (NNKH) ku ammaanay dadka wax bara iyo kuwa wax barta. Maalinta Macallinka waa fursad aan ku muujinno mahadnaq, duco, iyo garab istaag joogto ah, si ay u sii wadaan howshooda barakaysan. Waxaan ku boorrinaynaa ardayda iyo bulshada guud ahaan in ay qadariyaan macallimiinta, u hoggaansamaan taladooda, kana shaqeeyaan kor u qaadidda tayada waxbarashada, si loo helo jiil aqoon, iimaan, iyo anshax suuban ku dhisan

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top